Custom Search
     
Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

Niyadjabkii ugu weynaa ee soo gaadha Tigreega ka dagaalmaya Somaliya

 Tani dhamaadkii 2006dii markii ay soo galeen ciidanka ethiopienku koofurta somalia,waxaa si isdaba jooga u socday dagaalo aan waxba lookala reeban oo ay isweydaarsanayaan ciidamada ushaqaynaya danaha maraykanka ee waydaarsanayaa dhaqaale kooban oo ay ka helaan dawlada Mareykanka.

Ethiopianka waxay lakulmeen iska caabin xoogle oo meesha kasaaray sheekadii riyada ahayd ee Cabdilaahi Yusuf ugu soo waramay,taasi oo ahayd in loo nikaaxo Somaliya isaguna u hogaansami doono waxkasta oo nimanka Tigreega iyo maraykanku ka rabaan Somaliya. 

Maalmahan waxaa soo baxaya in ciidamadii ethiopianku hubkoogii tiirinayaan ,dirayskana tuurayaan kana cararayaan dagaalada gumeysi diidka ah ee ka socda bartamaha iyo gobolada dhexe ee Somaliya. 

Jabkii ugu xumaa wuxuu ku bilawday ciidankani Tigreegu hormoodka ka yihiin 12maarso markii laga dilay dagaal galiyihii ugu weynaa ee gacantooda midig ahaa Comande Tadase bartamaha magaalada muqdisho.Dilkaasi wuxuu ahaa mid aad ay usoo agaasimeen dhaqdhaqaaqa kasoo horjeeda daba dhilifka weyn ee Cabdilahi Yusuf. 

Asbuucana waxaa jabweyni hadana soo gaadhay ciidankii Ethiopianka ee tagay magalada Guriceel taasi oo si toos ah oo aan gabosho lahayn lagu weeraray duhur cad,lagana dilay 67 askari halka lagaga dhawacay tiro 40tameeyo askari,waxaa farahoogii ka baxday Jawhar,Balcad,Matabaan,Baladweyne,Janta kuundisho iyo jidka muhiimka ah ee isku xidha Baydhaba iyo Muqdisho.

Hadaba waxaa cad in fashil aan laqarin karini ku yimiday awoodii ay Tigreegu sheeganayen inay ku muquunin karaan dadweynaha is abaabulay ee ka soo horjeestay mamulku sheega la soo dhoodhoobay ee Cabdilaahi yusuf uu hormoodka ka yahay. 

Itaalka kaliya ee ciidankani jooga Somaliya ay leeyihiin waa in ay garaacaan meelaha shacabka masaakiinta ahi joogaan,kuwaasi oo aan waxba galabsanin,waxbana kala soconin weerarada qorshaysan ee lagu hayo ethiopianka.Akhristaw ogow in maalinta xanuunka ugu xuni gaaro ciidankaasi ay garaacaan suuqa bakaaraha,si ay u aar goostaan. 

Diblamaasiyiin badan waxa ay ka dhawaajiyeen waji gabaxa ku yimiday siyaasada Mareykanka ee Somaliya,taasi oo ay sheegeen in Somalidu aad uga cadhaysan yihiin joogitanka ciidamada ethiopianka Somaliya iyo taageerada ay siiyan Cabdilahi Yusuf.

 

Maxamed amiin

Dalkasomaliland.com



 

 
 
   
 
   Home   About Us   Contact