|
|
|
|
Iska-horimaad ku Dhexmaray
Laasqoray Ciidammada Somaliland iyo Malleeshiyooyin Puntland
ah |
|
|
Laasqoray DSN)- Wararka ka imanaya buuralayda Caalmadow
ee degmada Laasqoray ee afduubka loogu haysto qoyska u dhashay
dalka Jarmalka, ayaa sheegaya in shalay duhurkii iska-horimaad
tacshiirad culus laysku dhaafsaday uu degaankaas ku dhexmaray
ciidammada Somaliland iyo malleeshiyo-beeleed maamulka
Puntland soo abaabulay.
Iska-horimaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay, kadib markii
laysku khilaafay sida laga yeelayo dad ajnebi ah oo afduub
loogu haysto deegaanka buuralayda Caalmadow ee Gobolka Sanaag,
isla markaana ay ciidammada Somaliland ku ruqaansadeen aagga
afduubka loogu haysto qoyska Jarmalka ah.
Haseyeeshee, tacshiiradaha labada dhinac isweydaarsanadeen oo
socday muddo daqiiqado ah ayaan geysan wax khasaare ah, iyadoo
gelinkii dambe ee shalay xaaladda degaankaasi ahayd mid
xasilloon, kadib markii ay odayaasha degaanku kala dhexgaleen
labada geesood ee iska-horimaadku dhexmaray.
Odayaasha dhaqanka Gobolka Sanaag iyo kooxaha budhcad-badeedka
ayaa shalay ku ballansanaa in la sii daayo dadka ajnebiga ah
ee afduubka loo haysto, iyadoo aanay jirin wax madax-furasho
ah oo kooxahaasi qaadan lahaayeen.
Maalin ka hor ayey ahayd markii budhcad-babadeedku u
oggolaadeen la haystayaasha inay la xidhiidhaan qaraabadooda
iyo ehelladooda markii ugu horreysay tan iyo intii kooxaha
budhcad-badeedka ahi soo qafaasheen.
Dhinaca kale, saddex maraakiibta dagaalka oo Jarmalku leeyahay
ayaa la sheegay in ay kaabiga soo saareen xeebaha degaanka
Laasqoray oo afduub loogu haysto qoys u dhashay dalkooda.
Maraakiibtan oo uu hoggaamiyaha hoggaanka u haya Ciidammada
Badda Jarmalka ee ka hawlgala ENDURING FREEDOM Mr. Michael
Giss iyo kabtanka Markab lagu magacaabo EMDEN, ayaa la sheegay
inay wadatashi ka yeelanayaan qiyaastii buuralayda Gobolka
Sanaag, iyagoo sita maabab ay ku sawiran yihiin khariidadda
degaanka buuralayda Caalmadow ee qafaalashada loogu haysto
qoyska Jarmalka ah.
"Dabcan, waa dhibaato jirta sida aanu wararka ku hayno waxa
goobta ay ku afduuban yihiin muwaadiniinteenu ku sugan cutubyo
ka tirsan ciidanka Gobolka Sanaag iyo odayaasha oo isu
diyaarinaya inay soo furtaan lammaanahaa Jarmalka ah,
odayaasha iyo ciidammadaa oo ka duulaya inaan wax gorgortan ah
lala gelin budhcadda, inkasta oo marxaladdani ka adgtahay tii
hore, marka loo eego tirada afduubayaasha iyo meesha lagu
haysto oo ah buuraley sida loo galaa dhib badan tahay siday
muujinayaan sawirrada ay soo gudbiyeen diyaaradaha wax
basaasaa.” Sidaa waxa yidhi Michael Giss waxa uu ka
warbixinayey ujeeddada qorshahooda ku wajahan hawlgalka
furashada qoyska afduubka loo haysto.
Waxa kale oo Jeneraal Michael Giss uu intaa ku daray, “Waxaan
caddaynayaa in waqtigan xaadirka ah ay joogaan aaggaas laba
markab oo kuwa dagaalka ah oo la kala yidhaa LÜBECK iyo EMDEN;
waxa isna siddeed iyo afartanka saacadood ee socda ku soo
biiri doona SCHLESWIG-HOLSTEIN oo 29.06.08 ka soo dhaqaaqay
dekedda Caqaba ee dalka Yemen. Markabkan oo ah kuwa xambaara
diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay weheliyaan marka laga
yimaad ciidanka sida rasmiga ah uga hawlgala markabkan 150 nin
oo kale oo ah kuwo loo carbiyey hawlo gaar ah."
Ciidammada Jarmalka ee ku qulqulaya degaanka Laasqoray, ayaa
ka dambeeyey kadib markii ay codsi u direen odayaasha beesha
Warsengeli beesha caalamka, kuwaas oo ka codsaday in ay ka
qeybqaataan sii deynta dadka lagu haysto buuralayda Caalmadow.
|
|
|
|
|
| |
|
|
|