|
|
|
|
Aabo Soomaali Ah Oo Dilay
Wiilkiisii Oo 2 sano jira. Magaalada Jonkoping Ee Dalka Sweden
|
|
|
Jonkoping(DSN):- Waxa saacadu markii aay ahayd l2.30 habaynimo
ee habayn hore soo gaadhay telefonka gargaarka deg dega ah in
jaarku maqlay qaylo fara badan. In yarn adlib wax la arkay
hooey ilmaheedii oo dhintay gacanta ku sida, waa sida uu qoray
jaraaidka ka soo baxay magaalaada Jonkoping ee la yidhaahdo
JONKOINGS-POSTEN. Isla markiiba waxaa yimi Abulancekii oo isku
dayey in aay badbaadiyaan balse tiisii baa dhamaatay isla
halkiina buu ku dhintay.
Mudo yar adlib waxaa yimi afar gaadhi oo polis ah.Isla
halkaana waxay xidheen abihii dhalay ilmaha yar. Waxa ilaa
shalay ilaa maanta la hayaa aabihii oo polisku wax waydiinayey.
Wali lama xaqiijin balse dadka qaar waxaa la sheegay in ninka
lagu tuhunsan yahay xanuunka dhimirka.
Sida uu sheegay looyarka difaacaya ninka loo haysto in uu
dilay wiilkiisa 2 da sano jiray, ayaa sheegay in aanu wax
faahfaahin ah ka bixin doonin arintan. Ilaa maanta waxaa
baadhitaan ka socday gurigii reerku daganaa oo qolada danbi
baadhista u xidhnaa.
Maanta ayaa kiiskan loo gudbiyey xeerilaaliyaha gobolka, iyaga
iyo booliska ayaa isla eegi doona arintan naxdinta leh ee ku
soo korodhay jaaliyada somalida iyo wixii islaam ah ee degen
magaaladan Jonkoping. Waxa kaloo aan wali aasay maydhka
wiilkii yara oo isna baadhitaan u yaala cisibtalka guud ee
Ryhov.
Dhammaan somalilada iyo jaarka reer agdanba waxay aad uga xun
yihiin arintan fajaca iyo tiiraanyada leh ee ku habsatay
reerkan. Dhammaan jaaliyada somalida ee degan Magaladan
Jokoping waxay tacsi u dirayaa qoyskii uu ka geeriyooday
wiilkaa yar.
|
|
|
|
|
| |
|
|
|