|
|
|
|
Taliyaha Booliiska Oo
Beeniyay In Ciidanka Booliisku Ku Guul Daraysteen Soo
Qabashada Mid Ka Mid Ah Aasaasayaashii Maxkamadaha |
|
|
Hargerysa-(Lug)-Taliyaha
Ciidanka Booliiska Somaliland General Maxamed Saqadhi Dubad ,
ayaa beeniyay war sheegayay in ciidanka Booliisku ay ku guul
daraysteen inay gacanta ku dhigaan Sh Cali Dheere , oo ka mid
ahaa aasaasayaashii Maxkamadihii Muqdisho oo socdaal gaaban ku
yimid Hargeysa , oo maanta baahiyay wargeyska Waaheen ee ka
soo baxa Caasimada Hargeysa.
Taliyaha Ciidanka Booliisku waxa uu warkaasi maanta lagu
daabacay cadadkii wargeyska waaheen ee 22-kii bishan , uu
yahay mid aanay waxba ka jirin oo Wargeyska laga doonayo inay
soo cadeeyaan.
General Maxamed Saqadhi Dubad oo u waramayay saxaafada ayaa
sheegay in ciidanka Booliisku ay u tababaran yihiin soo qab
qabashada dambiilayaasha ,waxana uu yidhi “ciidanka Booliisku
way u tababaran yihiin soo qab qabashada dambiilayaasha ,
warka wargeyska Waaheen waa been cad oo aanay waxba ka jirin ,
waana laga rabaa wargeyska inay cadeeyaan”.
Taliyuhu waxa uu tilmaamay in aanay jirin meel ciidanka
Booliisku ay ku tahli waayeen gudashada xilkooda qaran.
Wargeyskaasi waxa uu sheegay in Sh. Cali Dheere uu khudbad
diini ah uu ka jeediyay masaajidka Cali Mataan ee Magaalada
Hargeysa.
Lug source
|
|
|
|
|
| |
|
|
|