Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

GANACSATADA AWDAL OO TAAGEERAY HESHIISKII XUKUUMADU LA GASHAY GANACSADE AL JABIRI.

Boorama[DSN]Ganacsatada G/awdal ayaa taageertay heshiishkii dhoofka xoolaha ee ay xukuumada somaliland la gashay ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Al Jabiri oo sida ay xukuumadu sheegtay ogolaaday inuu kordhiyo qiimaha sixirka uu ku qaadanayo neefka xoolaha arintaas oo ka mid ahayd cabashooyinkii ay ganacsatada xooluhu u dalbanayeen in kootada laga qaado dhoofka xoolaha.

Ganacsatadan xoolaha ee reer Awdal oo shalay shirjaraaid ku qabtay Hutelka Rays ee magaalada Booorama waxa kale oo ay ku cambaareeyeen kooxo ay sheegeen inay sheegteen gudida ganacsatada somaliland oo aanay cidna u dooran balse iskood isku magacaabay kuwaas oo ay sheegeen inay mudooyinkii u dambeeyay ku hawlanaayeen olole ka dhan ah heshiiska xukuumada ee ganacsade Al Jaabiri arimahaas oo aanay ganacsatada xoolaha ee Awdal ka warqabin una arkaan jahawareerin iyo cambaarayn aan sal lahayn.

C/laahi Abiib Ciise oo ka mid ah ganacsatada Awdal ayaa ugu horaynn shirkaa jaraaid ka akhriyay bayaan qoraal ah oo u dhignaa sidan "Markaan aragnay halbowlaha xoolaha nooli u leeyihiin dhaqaa;aha somaliland, xoolahaasi oo mudo ku dhow 7 sanadood ay saarnayd xayiraad xaga dhoofka xoolaha ah, gaar ahaan wadamada khaliijka oo ah kuwii ugu badnaa ee xooleheena qaadan jiray arintaas oo saamayn weyn dalkeena ku yeelatay.

Waxa nasiib wanaag ah in maalqabeenka weyn ee Al Jaabiri oo u dhashay dalka sucuudiga uu suurto galiyay in xooleheena si toos ah loogu qaato dalkeena iyada oo laga bixinayo qiime macquul ah oo iimkana uu Al Jabiri ku kordhiyay qiimihii hore ee 36 $ 6 uuna ka dhigay 42 $, waxa kale oo uu qiimaha ka sokow balanqaaday in maxjarkii lagu baadhayay caafimaadka xooleheena uu muddo shan bilood gudohood ku dhisi doono, taas oo suuro galin doonta in xooleheena si toos ah uga dhoofaan dakadeena Ber Bera ilaa wadamada khaliijka iyaga oo aan sii marayn meel kale, waxa kale oo uu maalqabeenkani balanqaaday inuu wax ka qaban doono sixir bararka dalkeena saameeyay, gaar ahaana uu keeni doono shan markab oo raashin jaban ah kuwaas oo wax weyn ka tari doona sixir bararka dalka aafeeyay.

Intaa haddii laga yimaado waxa uu maalqabeenkani maalgashi ku samaysanayaa dalkeena JSL, waxaana lagu qiyaasi karaa hantida maalgashiga ah ee ganacsatadan Al Jabiri u huray dalkkeena malaayiin dollar arintaas oo ah mid aan hore inoo soo marin loogana baran maalqabeen ajanabi ah waxaanay horseedi doontaa in maalga;iyayaasha caalamiga ahi ku soo dhiiradaan inay dalkeena maalgashadaan.

Hadaba anaga oo eegayna arimahaa aanu kor ku soo xusnay waxaanu cadaynaynaa haddii aanu nahay ganacsatada xoolaha ee Awdal inaanu si buuxda u taageersanahay heshiiska ay wada galeen xukuumada iyo maalqabeenka Al Jabiri, ka dib markaan u aragnay mid dan u ah xoolo dhaqatada, ganacsatada xoolaha iyo mujtamaca dalka ku dhaqan oo dhan.

Waxa kale oo aanu halkan ka cambaaraynaynaa kuwa ku hadlaya magaca ganacsatada xoolaha somaliland, nimankaas oo aan la garanayn meel lagu soo doortay iyo cid u dooratay inay ku hadlaan magaca ganacsatada, qaarkoodna la ogyahay inaanay wax shaqo ah ku lahayn ganacsiga xoolahaba.

Ugu dambayn waxaan u soo jeedinaynaa nimankaa isku magacaabay gudida ganacsatada somaliland inay ka waantoobaan iskana ilaaliyaan dhibaatada iyo jahawareerka ay shacabka ku ridayaan, waxaa kale oo aan u sheegaynaa inaanay ku hadli karin magaca ganacsatada xoolaha, haddii ay doonayaan inay ganacsatada hogaan u noqdaana ay u soo maraan dariiqa sharciga ah iyaga oo soo maraya nidaamka ganacsiga xoolaha".

Hadalkaa qoraalka ah ka dib waxa halkaa erayo ka jeediyay gudoomiyaha gudida ganacsatada xoolaha ee G/awdal oo hadalkiisa ku yidhi" waayadii hore xukuumada waxaynu ku dhaliili jirnay maxay uga hawlgali wayday xayiraada iyo suuq gaynta xoolaha, maanta haddii ay sameeyeen oo ay dooneen wixii inaga maqnaa oo ay maxjarkii caafimaadka xoolaha samaynayso, wax sabab ah oo maanta lagu canaanan karaa karaa ma jiro sidaa awgeed waxaanu si buuxda u taageersanahay heshiiska xukuumada iyo ganacsade Al Jabiri, qolooyinkii dhawaan sheeganayay inay ku hadlayaan magaca ganacsatada waanu cambaaraynaynaa mana ogin meel lagu doortay iyo cid u dooratay, haddii ay ganacsatada somaliland gudi samaysanayso waxa uu noqon doonaa wax loo dhan yahay oo cidkasta iyo gobol kastaa ka muuqdo"

Aadan Maxamuud Hoori[ curaagte] oo isna ka mid ah ganacsatada shirka jaraaid qabatay ayaa isna dhaleecayn u soo jeediyay xubnahan sheegay inay ku hadlayeen magaca gudida ganacsatada xoolaha ee somaliland isaga oo sheegay inaanay la qabin waxyaabihii ay xubanahaasi ka hadleen ganactada xoolaha ee Awdalna ay taageersan yihiin heshiiska xukuumada iyo ganacsade Al Jabiri waxaana hadalkiisa ka mid ahaa"haddii ay kooxdaasi qabaan dee anagu lama qabno mana aha waxa ay ku hadleen wax loo dhan yahay, sidaa darteed haddii aanu nahay ganacsatada xoolaha ee Awdal waxaanu taageersanahay xeshiiska cusub ee xukuumada iyo ganacsade Aljabiri, sida raashinka jaban ee uu inoo keenayo iyo maxjarka uu shanta bilood inoogu dhisayo oo aynu kaga bixi doono xooleheena oo hada si ku meelgaadh ah loo sii mariyo dalka Jabuuti, anaga oo waliba aaminsan Inuu ganacsade Aljabiri inoo horseeday inuu furo xayiraadii xooleheena saarnayd 7 da sano, intii aanu inoo imana waxa uu ahaa neeka xoolahu waxaan 20$ ka badnayn isagaana suuro galiyay in suuqii xooleheenu kor u kacaan, haddii uu markii hore saluug ku jiray qiimaha uu xooleheena ku qaato maanta wuu kordhiyay, waxaanan qabnaa in kooxahan kale markii ay arkeen in Al Jabiri dhaqaajiyay xarakaadka suuqii xooleheena inay iyaguna soo hungureeyeen iyaga oo adeegsanaya kooxahan is magacaabay ee sheeganaya gudida ganacsatada xoolaha ".

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay isla markaana taageeray heshiiskan Al Jabiri iyo xukuumada xubno kale oo ka mid ah ganacsatada Awdal ee xoolaha kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Khaliif Qaalib iyo Aw Xaashi Cige Warsame.

Cabdiraxmaan Mahamed Habane
Bnn ... Boramanews... Borama



 



 

 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact