Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

Xukuumadda oo Durba Albaabada u Xidhay Xarunta
Cusub ee Wadahadalada iyo Xuquuqda Aadamaha

 

Hargeysa DSN Xukuumadda Somaliland ayaa durba albaabada u xidhay xarunta cusub ee Wadahadalada iyo Xuquuqda Aadamaha oo dhawaan Hargaysa laga furay.

Sidaana waxa Waaheen u sheegay Illo lagu kalsoonyahay, waxaanay intaa ku dareen xadhiga xaruntani uu ka dhashay muran maalmahanba ku gadaanaa xaruntaas oo ay xukuumaddu shaki ka muujisay.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in amarka lagu xidhay xaruntan uu bixiyey wasiirka cadaalada oo markii horeba xubnahan aasaasay xaruntan siiyey rukhsada ogolaanshaha furitaanka xaruntan, in kasta oo wararkale sheegayaan in uu Wasiirku amray in xarunta la hakiyo in mudo ah balse aanay arrintu ahayn xidhitaan rasmi ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xidhitaanka xaruntani ku lug leedahay xidhiidh loo malaynayo inuu ka dhexeeyo xaruntan iyo Daladdii Ururada xuquuqal-insaanka ee SHUURO Net oo isagana xukuumaddu hore u xidhay, iyadoo gudoomiyaha Xaruntani uu ahaa agaasimihii hore ee daladaasi Shuuro net, balse majirto cid kale oo ka tirsanayd daladaas oo haatan kula jirta aasaaska xaruntan.

Macadda sababta rasmiga ah ee ay xukuumaddu u xidhay xaruntan iyadoo mudadii furitaanka xaruntan laga joogo mudo taban cisho ka yar, islamarkaana uu furay wasiirka Maaliyadda Somaliland Xuseen cali Ducaale oo ay weheliyaan xubno kale oo ka tirsan xukuumaddu.

Waxa kale oo ka qaybgalay xafladdii furitaanka masuuliyiin ka socday golayasha qaranka, Axsaabta iyo hay’addaha caalamiga, kuwaas oo dhamaantood xaflada ka sheegay inay soo dhaweynayaan furitaanka xaruntan maadaama wadahadalku yahay furaha nabada iyo horumarka sida dastuurka Somaliland iyo xeerarka xuquuqda Aadamuhuba dhigayaan.

Illaa hadase majiro war rasmi ah oo ksoo baxay xukuumadda iyo masuuliyiinta xaruntan oo ku saabasan xidhitaanka xarunta wadahadalada iyo xuquuqda Aadamaha.

 



 

 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact