|
Hargaysa (DSN)-Madaxweynaha
Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay soo
saaray Digreeto Lagu Dhaqan gelinayo Xilliga la bilaabayo
Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha oo ah October 14, 2008.
Sidaasi waxa
shaaca lagaga qaaday warsaxaafdeed ka soo baxay xarunta
madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada,
kaasoo isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:.
Madaxweynuhu,
markuu arkay qodobka 90-aad ee dastuurka, markuu arkay
qodobka 14-aad, farqadiisa Koowaad ee xeerka doorashooyinka
Golayaasha Deegaanada iyo Madaxtooyada Xeer Lr:20/2001, markuu
arkay qodobka 12-aad farqadiisa 6-aad ee xeerka diiwaan
gelinta codbixiyayaasha xeer Lr. 37/22007, markuu tix
geliyay soo jeedinta gudida doorashooyinka Qaranka ee
wakhtiga diiwaan gelinta doorashooyinka.
Wuxuu soo
saaray Digreeto lagu dhaqan gelinayo Xilliga la bilaabayo
diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo noqonaysa maalin Salaasa
ah bishuna tahay October 14, 2008
|