|
Hargeysa-(DSN)-Hoggaanka
sare ee urur-siyaasadeedka sharciyadiisa lagu muransan yahay
QARAN, ayaa ka dayriyey marxaladda dalku ku sugan yahay
waqtigan, oo ay ku tilmaameen mid halis ku ah jiritaanka
qaranimada Somaliland, taas oo u baaha in gurmad loo dhan
yahay laga yeesho.
Shir jaraa,id oo ay
masuuliyiinta ururka QARAN shalay ku qabteen xafiiskooda
magaalada Hargeysa, waxay kaga hadleen muranka iyo
ismaandhaafka ka aloosan dhoofinta xoolaha, arrintaas oo
masuuliyadda eedeeda ay dusha u saareen xukuumadda Madaxweyne
Rayaale, iyaga oo sheegay in xukuumaddu ku doonayso inay
daneedaha gaarka ah ku meelmarsato, isla markaana aanay wax
ahmiyad ah shacbigu agteeda ku lahayn.
Dr. Maxamed Cabdi
Gabboose, Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa sheegay
in aannu maamulka Madaxweyne Rayaale uu dhabarjebiyey
himiladii iyo hiigsigii shacabka Somaliland oo geed dheer iyo
mid gaabanba u fuulay sidii ay u noqon lahaayeen dal dunida ka
mid ah, iyada oo maamulka jiraa ay caado u noqotay jabin
shuruucdii dalka iyo boobka hantida dadweynaha.
Hadal qoraal oo uu Dr.
Gabboose halkaa ka akhriyey ayaa isaga oo dhammaystiran wuxuu
u qornaa sidan:
Anaga oo muddo ah aan la
hadlin warbaahinta, waxa maanta nagu kelifay in aannu hadalno,
waa marxaladda xannuunka badan ee nololeed ee ay ku
suganyihiin bulshada reer Somaliland, taasoo noola muuqata mid
aan laga aamusi karin.
Sida aynu ka warqabno Somaliland waxa
cudhiyey bulsho inteeda badani dan-yar ahayd, nugul oo ay soo
daashadeen qax iyo dagaalo, una oomanayd nabad, xasilooni,
karaamo, nolol wacan, maamul-wanaag iyo Qaran xor ah.
Waxay u codeeyeen
dastuur, waxayna doorteen gole sharci-dejin iyo maamul uu
hoggaaminayo Maxaweyne, iyagoo naawilyey in doogihii dakharada
nidaamkii hore ee keligitalisnimo, looga bogsan karo hadii loo
digo- rogto nidaamka dimuqraadiga.
Waxay dadweynuhu
muujiyeen intii Somaliland jirtay dedaal dheeraad ah iyo
dhabar-adeyg ay isla garab istaageen hay’adihii ay u
igmadeen aayahooda, si ay ugu rumowdo himiladoodu.
Nasiib-darro, riyadii
run noqon-weyday, waxa yimid maamul baalmaray shuruucdii lagu
heshiyey, kuna mamay boobka hantida guud, una dheer-tahay inuu
yahay mid tamar daran oo tayo xun, dareena ka qabin waxa
dadkiisu ku sugan yahay, haddii aanay ka ahaynba damqasho la’aan
loola kasay.
Waxa dalka mudooyinkan dambe soo wajahay
xaalado adag oo is-biirsaday oo saameeyay noloshoodii
aasaasiga ahayd ee dadka, jawiga noocaas ahi:-
b) Wuxuu dhalay bulsho
ku nool dal faqri ah oo ay ka dhex abuurmeen dabaqo nololeed,
kuwo ku naaxay hantidii guud ee Qaranka iyo intii badnayd oo
aan dabba shidanin.
t) Wuxuu dhalay bulsho
da, yarteedii markay xamili-wayday noloshaa qalafsan badaha
isku miidaamiyeen.
j) Wuxuu dhalay bulsho
inteedii la maamuusi-jiray la marin-habaabiyey, meehanaabayana
xaafiisyada hortooda, baahi loo abuuray darteed, loona
adeegsado si ka baxsan milgaha dhaqanka, iyadoo maankii iyo
garashadii dadka la soo koobay, indhahoodana lagu soo ururiyay
inay wax tirsan arkaan.
x) Waa bulsho ay gabeen,
saaxaddana ka maqan yihiin Goleyaashii ay soo doorteen oo ay u
hanka-weynaayeen inay kala dabaashaan xaaladdan murugada leh
ee ay ku suganyihiin.
Kh) Waa bulsho maalinba
intii u soo baxda inay xuquuqdooda ku doontaan si nabadgelyo
leh, loola dhaqmo si aan mas’uuliyad iyo lexejeclo midna ku
jirin.
d) Waa bulsho tabeysa
kaalintii xisbiyada mucaaradku ku lahaayeen wax ka qabashada
dhibaatadan iyo ka hadalkeedaba.
r) waa bulsho qaaday
tankeed, una muuqan hoggaan ay kula ciirsadaan xal u helida
duruufaha haysta,” illeyn qof dhagoola ah oo sii jeestay iyo
mayd toona kuma maqlaane”.
Mudaneyaal iyo
Marwooyin,
Laf-dhabarka dhaqaalaha
dalku waa xoolaha nool oo ay ku tiirsan yihiin bulshadeena dan
yarta ah inteeda badani. Waxa ku tabca oo hawl badani ka soo
gaadhaa xannaanaytooda muwaadiniinteena reer miyiga ah, iyaga
oo wax taakuleyn ah ka helin xukuumadda, hadday tahay daaqooda,
waraabkooda, daaweyntooda, iwm.
Sidaynu la wada socono, waxa maanta
cidhiidhi galay dhaqaalihii caalamka oo dhan, dal walibana si
uu u sugo inaan hoos u dhac ku iman heer nolololeedka
bulshadiisa, wuxuu wax-soo-saarkiisa (cunto, shiidal, qalab,
iwm) u kala qaybiyay qayb kayd u noqota iyo qayb uu dibedda u
dhoofiyo oo uu suuqa xorta ah qiimaheeda gooyo.
Waxa wax lala yaabo ah
oo aan damiirka nooli marnaba ogolaan karin, caqliga keenay
inaan neefkeenu suuqyada caalamka, si xor ah, ula tartami
karin badeecadaha shisheeye! Xukuumaduna u goyso qiimo go’an
oo aan la dhaafi karin, kuna khasabto ganacsatada in aan Al-Jaabiri
mooyaane cid kale laga iibin karin, inkasta ee uu mulkiiluhu
haysto ilo kale ee oo uga qiimo wacan, diyaarna ula yahay
xukuumada wixii waajibaad dhakhli Qaran.
Caqliga iyo aqoonta
maamul ee ku dhisan Kootada baalmarsan Dastuurka iyo mabaadi’da
suuqa xorta ah ee aan xeerinayn danta dadka iyo dalkaba, waxay
cidhibtiisu noqotay inay Berbera ku dambeyso magaalo duntay oo
looga hayaamay Djibouti iyo Bosaaso, Xukuumaduna halkaas ku
lumiso dhakhli farabadan iyo inay cidhiidhi gasho maciishadii
malaayiin qoys oo noloshoodu neefka ku xidhnayd.
Walaalayaal, waxa
waayahan dambe isa soo taraya dhacdooyin halis gelin kara
nabada iyo xasiloonida dalka, kuwaasoo intooda badani la
xidhiidhaan codsi ka imanaya qaybo bulshada ka mid ah oo
baadi-goob ugu jira xuquuqdii uu Dastuurku u damaanad qaaday
oo iska daa inay helaan garawshiinye, loola dhaqmay si arxan
daran iyadoo loo adeegsanayo awoodda Qaranka (sida Garsoorka,
Ciidanka, iwm.)
Gebogebo:- annagu
haddaanu nahay Ururka Qaran, waxaanu u aragnaa in dalkii
marayo meel halis ah, una baahan yahay badbaado iyo in laga
yeesho talo loo dhan yahay sidii loo waajihi lahaa wax-ka-qabadka
duruufaha inala soo dersay.
Waxa kaloonu
aaminsanahay inaan maamul cod ka raba bulshada aanu ula
dhaqmeen sidan muuqata, taasoo ay markhaati u tahay
mudo-kordhintan xidhiidhsan ee aan sharciga waafaqsanayn.
Waxaannu kula talinaynaa
xukuumadda, inay mar uun caqliga fayow isticmaalaan oo ay
xiisadda ka oogan ganacsiga xoolaha iyo Dekeda Berbera ka
foojignaato cawaaqib-xumida ka dhalan karta, laguna dhammeeyo
wada hadal iyo is-afgarad, iyadoo la xurmaynayo mabaadi’da
suuqa xorta ah ee ay umadani dhaqan soo jireen ah u lahayd,
Dastuurkuna u damaanadqaaday.”
Guddoomiye-ku-xigeenka
ururka QARAN, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isna shirkaa
jaraai’d ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey sida loogala
socdo xaaladda Somaliland dalka Ingiriiska oo uu isagu
Salaasadii doraad ka soo laabtay kadib muddo dhawr bilood ah
oo uu ku maqnaa, waxaannu sheegay in dadka u ololeeya
Somaliland ee Ingiriiska ah iyo jaaliyadaha Somaliland oo si
toos ah ula socda xaaladdaha dalka ka socdaa ay ka warwarsan
yihiin natiijadooda, isla markaana dadka ajanebiga ah ee u
ololeeya ictiraaf raadinta Somaliland dadaalkoodii dhulka kaga
dhacay
Nimankii inoo
ololaynayey dhulkay kaga dhacday runtii, waayo wixii ay inoogu
dagaal galayeen ee ay lahaayeen somaliland wax baa u qabsoomay
ayaa masuuliyiinteen jafeen, waxaana dhulka kaga riday
xukuumadda maanta talada haysa iyo dadkii la doortay sida
Baarlamanka oo aan shaqadoodii ka soo bixin,” ayuu yidhi
Eng. Maxamed Xaashi.
Waxa kale oo uu sheegay
in shirar iyo kulamo ay la yeesheen jaaliyadda reer Somaliland
ee dalkaas iskaga xogwaraysteen xaaladaha adag ee dalku ku
jiro iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Isaga oo arrintaa ka
hadlayeyna waxa uu yidhi; Dadka reer Somaliland ee aannu la
shiraynay waxaannu lahayn xisbigaad doontaba ahow UDUB, UCID
ama KULMIYE, waxa meesha yaalaa waa dalkii iyo dadkii, wixii
wanaagsan waa la wada leeyahay wixii xuna xisbiga samaynaya ha
ku raacina oo dalkiina lexejeclo u lahaada. Markaa eegto
xisbiga talada haya kuwa kale wax inooma hayaane in
taageerihiisii, golihiisii dhexe, Xoghayihiisa guud, inta
Baarlamanka ugu jirta ilaa Madaxweyne-ku-xigeenka xumaantii oo
ay arkayaan ayey haddana ku raacsan yihiin, waa nasiib-darrada
dalka haysata, markaa xisbiga UDUB taariikhdiisa waynu haynaa
oo wax allaale inoo qabsoomay dib buu u dumiyey. Madaxtooyada
oo wax kasta lugta kula jirta sida shidaalkii, xoolihii,
dekadii, waana inta dalka ka khariban, markaa Madaxtooyadu
dalkii way la degtay waqtigeediina wuu dhacay oo sharci-darro
ayey ku wada fadhiyaan Baarlamanka mooyaane oo iyaguna
dhaameel ku shaqeeya.”
Eng. Maxamed Xaashi Waxa
uu u soo jeediyey bulshada Somaliland in aanay marka ay wax
dooranayaan aanay ku dooran hebel hebel ku bedel ee ay
waxqabad iyo horumar wax ku doortaan, isla markaana shuruudo
ku xidhaan cida tidhaa in doorta.
Waxaan anigu qabaa in
rajiimkan sidii looga takhalusi lahaa gacmaha la is qabsado,
waxa la yidhi nin baa dhawr fallaadhood ku dhaceen oo la yidhi
tee baa lagaa gooyaa, wuxuu yidhi ta badhida iga gooya bal
horta aan fadhiistee, horta aan inagu iska fujino tan kadibna
aynu fadhiisano,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Eng.
Maxamed Xaashi Cilmi.
Mr. Cali Ducaale Faarax
oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii uu
ku yimi heshiiska xukuumaddu la gashay ganacsadaha Carbeed ee
Saleebaan Al-jabiri oo uu sheegay inuu ahaa mid sifo
baayac-mushtari oo xalaal ah ku yimi, kadib markii ganacsato
reer Somaliland ahi heshiis kula soo galeen inuu xoolaha sii
mariyo Jabuuti maadaama aannu Sucuudigu ogolayn inay si toos
ah uga dhoofaan dekeda Berbera, sidaana lagu dhoofiyey laba
markab. Balse amar ka yimi ka soo baxay xukuumadda si degdeg
ah loogu joojiyey xoolihii, iyada oo loogu marmarsooday in
xoolaheenii Jabuuti loo dhoofinayo, taasina ay tahay khiyaamo
qaran.
Haseyeeshee xukuumaddu
mar kale ganacsadihii Carbeed ee ay eriday ayey intay ka
dabatageen heshiis la soo galeen, kaas oo ah halkii ay
ganacsatadu kula heshiiyeen $42 ay iyagu kula heshiiyeen $36.
Tii markii hore ay
lahaayeen waa khiyaamo qaran ayey ku kaceen, malaha dadka
ayuun bay khiyaamo qaran ku tahaye iyaga kuma aha. Waa niman
nasiib leh oo wax waliba u suurtogalaan, waxaana ugu wacan
shacabka iyo inaga uun,” ayuu yidhi Cali Ducaale.
Waxa kale oo uu Mr. Cali
Ducaale ku tilmaamay xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay aanay
dan ka lahayn nolosha muwaadiniinta ay masuulka ka yihiin,
balse ay iyagu ka shaqaysanayaan.
Waad maqlayseen
Wasiirkii dalku inuu yidhi neefkiina adhiga ahi waa laba iyo
toban kilo, adduunyada marka qof masuul ahi waxaas oo kale ku
kaco wuu iscalisaa, haddii damiirkiisu siinwaayana masuulka ka
sareeya ayaa erya. Iminka waxa la isweydiinayaa waar ninka
waxaa ku hadlay muxuu isu casiliwaayey ama Madaxweynuhu u
eryiwaayey,” ayuu yidhi Cali Ducaale, waxaannu intaa ku
daray, “Iminka xoolihii Al-jabiri oo iminka ay yidhaahdeen
$42 baanu ka dhignay iyo xoolihii ganacsatada oo qiimahoodu
yahay $55 labadiiba Berbera ayey wadajoogaan, kii $55 ahaa in
la joojiyo tiknikadii ummadda ayaa loo kaxaystay, raggii ay
ahayd in billad-sharaf la siiyaana way xidhan yihiin oo jeelka
ayey ku jiraan.”
Intaa kadib qaar ka
midsu,aalihii suxufiyiintu masuuliyiintaasi weydiiyeen iyo
jawaabihii ay ka bixiyeen waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Dhawaan
saddexda xisbi heshiis ay wadagaadheen waxay isla garteen in
dooradii Dawladdaha Hoose dib loo dhigo oo la soo horumariyo
ta Madaxtooyada, idinkuna waxaad u halgamayseen sidii aad ta
Dawladdaha Hoose uga qaybgeli lahaydeen, markaa arrintaasi
siday idiin saamaynaysaa ama aad u aragtaan?
Jawaab: Horta annagu
markii aannu lahayn sharcigaa noo banaynaya in aannu ka
qaybgalno doorashada waa nalagu xidhay, saddexdii xisbina
nasiib-darro iminka waxay isku raaceen in qodob aan
distoorkaba ku jirin inay geliyaan haddana ka ansaxsadaan
Baarlamanka, waa wax aynaan hore u arag. Berigii hore waxa la
odhan jiray Madaxweynaha waqtigaa jooga ayuun baa isku qiyaasa
oo shaadh tosha, maanta saddexdii xisbi baa iswada
leekaysiiyey, si aanay cidi ugu iman, markaa waa
nasiib-darradaa la sharci-garaystay.
Waxa lagu tuhmayey
mucaaradka inay ilaalinta shuruucda Rayaale uga lexojeclo
badan yihiin, hase ahaatee markii ay shireen waxa ka soo
baxday dantooda gaarka ahi kala weyn tahay dantii qaranka,
annagu iminka sidii xoolihii ayaanu kooto ugu jirnaa, waayo
fikir, nidaam iyo caqli toona kuma kala duwana.
S: Weli ururka lama
sharciyey in badan waad u cararteen, iminka dalka dhinac
kastaba waxaad ka muujinaysaan rajo la’aan, markaa
ololihiinii miyaad sii wadaysaan imise halkaas ayaad ku
joojinaysaan mar haddaan waxbaba jirin?
J: Horta diiniyan rajada
lagama quusto, waa ta labaade xisbiyada mucaaradka ah ee iyagu
haddii ay ku socdaan dariiqa saxda ah fududayn lahaa isbedelka,
waxaannu annagu aaminsanahay in aanay helaynba doorasho xalaal
ah, waayo wixii qudhun ku heshiiyaaba qudhun uun bay ku
dambeeyaane. Annagu ka hadhimayno olohayaga.
JOL
|