Home
Profile
Gallery
Contact Us
Somali Music
Awdalnews
Aftahan
Allaybaday
BoramaNews
Caynaba
Dayniile
DhambaalNews
Somalilandnation
Gabileynet
Harowo
HiiraanOnline
Waaheen
Qaranexpress
Qarannews
HormoodNews
HalganNews
HadhwanaagNews
Lughaya
MaandeeqNews
Laasqoray
Redseaonline
Sanaagweb
SomalilandPatriots
Saylac
Golisnews
SomalilandEdu.
Smalilandembassy
Somalilandfuture
Somalilandnet
Somaliland.org
Somalilandtalk
Soomaaliweyn
Somalilandgov.
Somalielecdictionary
Somalilandcenter
Somalilandnews
Wardheernews
TogdheerNews
Waridaad
Waagacusub
Sooyaal
Hornafrik
Shabellenet
Somalilandadvice
LongliveSomaliland
Djiboutinet
Dalxiis
 
 
 
 

Ururka Qaran Oo Ku Baaqay In La Badbaadsho Dalka.

Hargeysa-(DSN)-Hoggaanka sare ee urur-siyaasadeedka sharciyadiisa lagu muransan yahay QARAN, ayaa ka dayriyey marxaladda dalku ku sugan yahay waqtigan, oo ay ku tilmaameen mid halis ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland, taas oo u baaha in gurmad loo dhan yahay laga yeesho.

Shir jaraa,id oo ay masuuliyiinta ururka QARAN shalay ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa, waxay kaga hadleen muranka iyo ismaandhaafka ka aloosan dhoofinta xoolaha, arrintaas oo masuuliyadda eedeeda ay dusha u saareen xukuumadda Madaxweyne Rayaale, iyaga oo sheegay in xukuumaddu ku doonayso inay daneedaha gaarka ah ku meelmarsato, isla markaana aanay wax ahmiyad ah shacbigu agteeda ku lahayn.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa sheegay in aannu maamulka Madaxweyne Rayaale uu dhabarjebiyey himiladii iyo hiigsigii shacabka Somaliland oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay u noqon lahaayeen dal dunida ka mid ah, iyada oo maamulka jiraa ay caado u noqotay jabin shuruucdii dalka iyo boobka hantida dadweynaha.

Hadal qoraal oo uu Dr. Gabboose halkaa ka akhriyey ayaa isaga oo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan:

Anaga oo muddo ah aan la hadlin warbaahinta, waxa maanta nagu kelifay in aannu hadalno, waa marxaladda xannuunka badan ee nololeed ee ay ku suganyihiin bulshada reer Somaliland, taasoo noola muuqata mid aan laga aamusi karin.

Sida aynu ka warqabno Somaliland waxa cudhiyey bulsho inteeda badani dan-yar ahayd, nugul oo ay soo daashadeen qax iyo dagaalo, una oomanayd nabad, xasilooni, karaamo, nolol wacan, maamul-wanaag iyo Qaran xor ah.

Waxay u codeeyeen dastuur, waxayna doorteen gole sharci-dejin iyo maamul uu hoggaaminayo Maxaweyne, iyagoo naawilyey in doogihii dakharada nidaamkii hore ee keligitalisnimo, looga bogsan karo hadii loo digo- rogto nidaamka dimuqraadiga.

Waxay dadweynuhu muujiyeen intii Somaliland jirtay dedaal dheeraad ah iyo dhabar-adeyg ay isla garab istaageen hay’adihii ay u igmadeen aayahooda, si ay ugu rumowdo himiladoodu.

Nasiib-darro, riyadii run noqon-weyday, waxa yimid maamul baalmaray shuruucdii lagu heshiyey, kuna mamay boobka hantida guud, una dheer-tahay inuu yahay mid tamar daran oo tayo xun, dareena ka qabin waxa dadkiisu ku sugan yahay, haddii aanay ka ahaynba damqasho la’aan loola kasay.

Waxa dalka mudooyinkan dambe soo wajahay xaalado adag oo is-biirsaday oo saameeyay noloshoodii aasaasiga ahayd ee dadka, jawiga noocaas ahi:-

b) Wuxuu dhalay bulsho ku nool dal faqri ah oo ay ka dhex abuurmeen dabaqo nololeed, kuwo ku naaxay hantidii guud ee Qaranka iyo intii badnayd oo aan dabba shidanin.

t) Wuxuu dhalay bulsho da, yarteedii markay xamili-wayday noloshaa qalafsan badaha isku miidaamiyeen.

j) Wuxuu dhalay bulsho inteedii la maamuusi-jiray la marin-habaabiyey, meehanaabayana xaafiisyada hortooda, baahi loo abuuray darteed, loona adeegsado si ka baxsan milgaha dhaqanka, iyadoo maankii iyo garashadii dadka la soo koobay, indhahoodana lagu soo ururiyay inay wax tirsan arkaan.

x) Waa bulsho ay gabeen, saaxaddana ka maqan yihiin Goleyaashii ay soo doorteen oo ay u hanka-weynaayeen inay kala dabaashaan xaaladdan murugada leh ee ay ku suganyihiin.

Kh) Waa bulsho maalinba intii u soo baxda inay xuquuqdooda ku doontaan si nabadgelyo leh, loola dhaqmo si aan mas’uuliyad iyo lexejeclo midna ku jirin.

d) Waa bulsho tabeysa kaalintii xisbiyada mucaaradku ku lahaayeen wax ka qabashada dhibaatadan iyo ka hadalkeedaba.

r) waa bulsho qaaday tankeed, una muuqan hoggaan ay kula ciirsadaan xal u helida duruufaha haysta,” illeyn qof dhagoola ah oo sii jeestay iyo mayd toona kuma maqlaane”.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Laf-dhabarka dhaqaalaha dalku waa xoolaha nool oo ay ku tiirsan yihiin bulshadeena dan yarta ah inteeda badani. Waxa ku tabca oo hawl badani ka soo gaadhaa xannaanaytooda muwaadiniinteena reer miyiga ah, iyaga oo wax taakuleyn ah ka helin xukuumadda, hadday tahay daaqooda, waraabkooda, daaweyntooda, iwm.

Sidaynu la wada socono, waxa maanta cidhiidhi galay dhaqaalihii caalamka oo dhan, dal walibana si uu u sugo inaan hoos u dhac ku iman heer nolololeedka bulshadiisa, wuxuu wax-soo-saarkiisa (cunto, shiidal, qalab, iwm) u kala qaybiyay qayb kayd u noqota iyo qayb uu dibedda u dhoofiyo oo uu suuqa xorta ah qiimaheeda gooyo.

Waxa wax lala yaabo ah oo aan damiirka nooli marnaba ogolaan karin, caqliga keenay inaan neefkeenu suuqyada caalamka, si xor ah, ula tartami karin badeecadaha shisheeye! Xukuumaduna u goyso qiimo go’an oo aan la dhaafi karin, kuna khasabto ganacsatada in aan Al-Jaabiri mooyaane cid kale laga iibin karin, inkasta ee uu mulkiiluhu haysto ilo kale ee oo uga qiimo wacan, diyaarna ula yahay xukuumada wixii waajibaad dhakhli Qaran.

Caqliga iyo aqoonta maamul ee ku dhisan Kootada baalmarsan Dastuurka iyo mabaadi’da suuqa xorta ah ee aan xeerinayn danta dadka iyo dalkaba, waxay cidhibtiisu noqotay inay Berbera ku dambeyso magaalo duntay oo looga hayaamay Djibouti iyo Bosaaso, Xukuumaduna halkaas ku lumiso dhakhli farabadan iyo inay cidhiidhi gasho maciishadii malaayiin qoys oo noloshoodu neefka ku xidhnayd.

Walaalayaal, waxa waayahan dambe isa soo taraya dhacdooyin halis gelin kara nabada iyo xasiloonida dalka, kuwaasoo intooda badani la xidhiidhaan codsi ka imanaya qaybo bulshada ka mid ah oo baadi-goob ugu jira xuquuqdii uu Dastuurku u damaanad qaaday oo iska daa inay helaan garawshiinye, loola dhaqmay si arxan daran iyadoo loo adeegsanayo awoodda Qaranka (sida Garsoorka, Ciidanka, iwm.)

Gebogebo:- annagu haddaanu nahay Ururka Qaran, waxaanu u aragnaa in dalkii marayo meel halis ah, una baahan yahay badbaado iyo in laga yeesho talo loo dhan yahay sidii loo waajihi lahaa wax-ka-qabadka duruufaha inala soo dersay.

Waxa kaloonu aaminsanahay inaan maamul cod ka raba bulshada aanu ula dhaqmeen sidan muuqata, taasoo ay markhaati u tahay mudo-kordhintan xidhiidhsan ee aan sharciga waafaqsanayn.

Waxaannu kula talinaynaa xukuumadda, inay mar uun caqliga fayow isticmaalaan oo ay xiisadda ka oogan ganacsiga xoolaha iyo Dekeda Berbera ka foojignaato cawaaqib-xumida ka dhalan karta, laguna dhammeeyo wada hadal iyo is-afgarad, iyadoo la xurmaynayo mabaadi’da suuqa xorta ah ee ay umadani dhaqan soo jireen ah u lahayd, Dastuurkuna u damaanadqaaday.”

Guddoomiye-ku-xigeenka ururka QARAN, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isna shirkaa jaraai’d ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey sida loogala socdo xaaladda Somaliland dalka Ingiriiska oo uu isagu Salaasadii doraad ka soo laabtay kadib muddo dhawr bilood ah oo uu ku maqnaa, waxaannu sheegay in dadka u ololeeya Somaliland ee Ingiriiska ah iyo jaaliyadaha Somaliland oo si toos ah ula socda xaaladdaha dalka ka socdaa ay ka warwarsan yihiin natiijadooda, isla markaana dadka ajanebiga ah ee u ololeeya ictiraaf raadinta Somaliland dadaalkoodii dhulka kaga dhacay

Nimankii inoo ololaynayey dhulkay kaga dhacday runtii, waayo wixii ay inoogu dagaal galayeen ee ay lahaayeen somaliland wax baa u qabsoomay ayaa masuuliyiinteen jafeen, waxaana dhulka kaga riday xukuumadda maanta talada haysa iyo dadkii la doortay sida Baarlamanka oo aan shaqadoodii ka soo bixin,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Waxa kale oo uu sheegay in shirar iyo kulamo ay la yeesheen jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas iskaga xogwaraysteen xaaladaha adag ee dalku ku jiro iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; Dadka reer Somaliland ee aannu la shiraynay waxaannu lahayn xisbigaad doontaba ahow UDUB, UCID ama KULMIYE, waxa meesha yaalaa waa dalkii iyo dadkii, wixii wanaagsan waa la wada leeyahay wixii xuna xisbiga samaynaya ha ku raacina oo dalkiina lexejeclo u lahaada. Markaa eegto xisbiga talada haya kuwa kale wax inooma hayaane in taageerihiisii, golihiisii dhexe, Xoghayihiisa guud, inta Baarlamanka ugu jirta ilaa Madaxweyne-ku-xigeenka xumaantii oo ay arkayaan ayey haddana ku raacsan yihiin, waa nasiib-darrada dalka haysata, markaa xisbiga UDUB taariikhdiisa waynu haynaa oo wax allaale inoo qabsoomay dib buu u dumiyey. Madaxtooyada oo wax kasta lugta kula jirta sida shidaalkii, xoolihii, dekadii, waana inta dalka ka khariban, markaa Madaxtooyadu dalkii way la degtay waqtigeediina wuu dhacay oo sharci-darro ayey ku wada fadhiyaan Baarlamanka mooyaane oo iyaguna dhaameel ku shaqeeya.”

Eng. Maxamed Xaashi Waxa uu u soo jeediyey bulshada Somaliland in aanay marka ay wax dooranayaan aanay ku dooran hebel hebel ku bedel ee ay waxqabad iyo horumar wax ku doortaan, isla markaana shuruudo ku xidhaan cida tidhaa in doorta.

Waxaan anigu qabaa in rajiimkan sidii looga takhalusi lahaa gacmaha la is qabsado, waxa la yidhi nin baa dhawr fallaadhood ku dhaceen oo la yidhi tee baa lagaa gooyaa, wuxuu yidhi ta badhida iga gooya bal horta aan fadhiistee, horta aan inagu iska fujino tan kadibna aynu fadhiisano,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Mr. Cali Ducaale Faarax oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey sidii uu ku yimi heshiiska xukuumaddu la gashay ganacsadaha Carbeed ee Saleebaan Al-jabiri oo uu sheegay inuu ahaa mid sifo baayac-mushtari oo xalaal ah ku yimi, kadib markii ganacsato reer Somaliland ahi heshiis kula soo galeen inuu xoolaha sii mariyo Jabuuti maadaama aannu Sucuudigu ogolayn inay si toos ah uga dhoofaan dekeda Berbera, sidaana lagu dhoofiyey laba markab. Balse amar ka yimi ka soo baxay xukuumadda si degdeg ah loogu joojiyey xoolihii, iyada oo loogu marmarsooday in xoolaheenii Jabuuti loo dhoofinayo, taasina ay tahay khiyaamo qaran.

Haseyeeshee xukuumaddu mar kale ganacsadihii Carbeed ee ay eriday ayey intay ka dabatageen heshiis la soo galeen, kaas oo ah halkii ay ganacsatadu kula heshiiyeen $42 ay iyagu kula heshiiyeen $36.

Tii markii hore ay lahaayeen waa khiyaamo qaran ayey ku kaceen, malaha dadka ayuun bay khiyaamo qaran ku tahaye iyaga kuma aha. Waa niman nasiib leh oo wax waliba u suurtogalaan, waxaana ugu wacan shacabka iyo inaga uun,” ayuu yidhi Cali Ducaale.

Waxa kale oo uu Mr. Cali Ducaale ku tilmaamay xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay aanay dan ka lahayn nolosha muwaadiniinta ay masuulka ka yihiin, balse ay iyagu ka shaqaysanayaan.

Waad maqlayseen Wasiirkii dalku inuu yidhi neefkiina adhiga ahi waa laba iyo toban kilo, adduunyada marka qof masuul ahi waxaas oo kale ku kaco wuu iscalisaa, haddii damiirkiisu siinwaayana masuulka ka sareeya ayaa erya. Iminka waxa la isweydiinayaa waar ninka waxaa ku hadlay muxuu isu casiliwaayey ama Madaxweynuhu u eryiwaayey,” ayuu yidhi Cali Ducaale, waxaannu intaa ku daray, “Iminka xoolihii Al-jabiri oo iminka ay yidhaahdeen $42 baanu ka dhignay iyo xoolihii ganacsatada oo qiimahoodu yahay $55 labadiiba Berbera ayey wadajoogaan, kii $55 ahaa in la joojiyo tiknikadii ummadda ayaa loo kaxaystay, raggii ay ahayd in billad-sharaf la siiyaana way xidhan yihiin oo jeelka ayey ku jiraan.”

Intaa kadib qaar ka midsu,aalihii suxufiyiintu masuuliyiintaasi weydiiyeen iyo jawaabihii ay ka bixiyeen waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Dhawaan saddexda xisbi heshiis ay wadagaadheen waxay isla garteen in dooradii Dawladdaha Hoose dib loo dhigo oo la soo horumariyo ta Madaxtooyada, idinkuna waxaad u halgamayseen sidii aad ta Dawladdaha Hoose uga qaybgeli lahaydeen, markaa arrintaasi siday idiin saamaynaysaa ama aad u aragtaan?

Jawaab: Horta annagu markii aannu lahayn sharcigaa noo banaynaya in aannu ka qaybgalno doorashada waa nalagu xidhay, saddexdii xisbina nasiib-darro iminka waxay isku raaceen in qodob aan distoorkaba ku jirin inay geliyaan haddana ka ansaxsadaan Baarlamanka, waa wax aynaan hore u arag. Berigii hore waxa la odhan jiray Madaxweynaha waqtigaa jooga ayuun baa isku qiyaasa oo shaadh tosha, maanta saddexdii xisbi baa iswada leekaysiiyey, si aanay cidi ugu iman, markaa waa nasiib-darradaa la sharci-garaystay.

Waxa lagu tuhmayey mucaaradka inay ilaalinta shuruucda Rayaale uga lexojeclo badan yihiin, hase ahaatee markii ay shireen waxa ka soo baxday dantooda gaarka ahi kala weyn tahay dantii qaranka, annagu iminka sidii xoolihii ayaanu kooto ugu jirnaa, waayo fikir, nidaam iyo caqli toona kuma kala duwana.

S: Weli ururka lama sharciyey in badan waad u cararteen, iminka dalka dhinac kastaba waxaad ka muujinaysaan rajo la’aan, markaa ololihiinii miyaad sii wadaysaan imise halkaas ayaad ku joojinaysaan mar haddaan waxbaba jirin?

J: Horta diiniyan rajada lagama quusto, waa ta labaade xisbiyada mucaaradka ah ee iyagu haddii ay ku socdaan dariiqa saxda ah fududayn lahaa isbedelka, waxaannu annagu aaminsanahay in aanay helaynba doorasho xalaal ah, waayo wixii qudhun ku heshiiyaaba qudhun uun bay ku dambeeyaane. Annagu ka hadhimayno olohayaga.

JOL



 

 
 
 
 Heesta Maanta Bulshada SL
 
 
   Home   About Us   Contact